Nadaafada Magaalada Mogadishu Saan U Wanaajinaa:
Bulsho iyo meesha ay kunooshahay hormarkeeda marka la eegayo waxaa si wanagsan loo fiirshaa muuqaalka deegaankooda, marka waxaan door biday in aan lawadaago umada Soomaaliyeed inta aan ka fahamsanahay qaabka dad badani u nadiifiyeen magaalooyinkooda, nadaafadu amni gooniya kuma xirna ee bulshada iyo maamulka meesha kajira oo isla shaqeeya, qofkastana kasoo baxo doorka uu bulshada oga jiro, asagoo fulinayay (Nadaafadu waa iimaanka barkeed) xadiiskii ahaa. Dowlada hoose masuuliyad ayaa kasaaran in ay caasimada iyo magaalooyinka kale ay nadaafad wanagsan ka muuqato, ayagoo isticmaalaya maamul wanagsan oo shaqaalaha wanaajiya si ay meelaha dadwanayaha kadhaxaysa unadiifin lahayeen sida wadooyinka, meelaha gawaarida ladhigto iyo naafada guud ahaan. Dowlada hoose waa in bil kasta ka qaado lacag guri walba si ay u hirgaliso howsha nadaafada, qofkastana u dareema muhiimada ay leedahay nadaafada. Qaasataan dowlada dhexe masuul ayaa kasaaran in ay ka qaado qashinka xaafadaha iyo wadooyinka,...