Nadaafada Magaalada Mogadishu Saan U Wanaajinaa:

Bulsho iyo meesha ay kunooshahay hormarkeeda marka la eegayo waxaa si wanagsan loo fiirshaa muuqaalka deegaankooda, marka waxaan door biday in aan lawadaago umada Soomaaliyeed inta aan ka fahamsanahay qaabka dad badani u nadiifiyeen magaalooyinkooda, nadaafadu amni gooniya kuma xirna ee bulshada iyo maamulka meesha kajira oo isla shaqeeya, qofkastana kasoo baxo doorka uu bulshada oga jiro, asagoo fulinayay (Nadaafadu waa iimaanka barkeed) xadiiskii ahaa.

Dowlada hoose masuuliyad ayaa kasaaran in ay caasimada iyo magaalooyinka kale ay nadaafad wanagsan ka muuqato, ayagoo isticmaalaya maamul wanagsan oo shaqaalaha wanaajiya si ay meelaha dadwanayaha kadhaxaysa unadiifin lahayeen sida wadooyinka, meelaha gawaarida ladhigto iyo naafada guud ahaan. Dowlada hoose waa in bil kasta ka qaado lacag guri walba si ay u hirgaliso howsha nadaafada, qofkastana u dareema muhiimada ay leedahay nadaafada. Qaasataan dowlada dhexe masuul ayaa kasaaran in ay ka qaado qashinka xaafadaha iyo wadooyinka, ayagoo gaynaya meelaha loogu talo galay in lagu kala sooco ama lagu gubo, (qashin kastana la iskama tuuro qaarbaa dib loo warshadeeyaa ama dib loo isticmalaa), maxaa yeelay waan aragnay saamaynta xun ee qashinka uu kuleeyahay deeganka iyo badda. Sidaa darteed, waa in ay dowlada dhexe suura galisaa sidii ay ku keeni lahayd ama kusoo badin lahayd gawaarida qashinka qaada iyo weelasha qashinka dadweynuhu ay kuridaan, sidoo kale meelaha dhismuhu kasocdo waa in lagu amro in ay isticmaalan buudiga qashinka lagu aruuriyo. Tusaale ahaan, meelaha la dhigi karo weelasha waxaa kamid noqon kara xaafadaha, baraha gawaarida laga raaco iyo goobaha ganacsiga hortaada. Wadamada qaar bulaacado iyo tubooyin ayay leeyihiin kuwaas oo ka caawiya in wixii fudud oo dareera ah ay ka qaadaan, inkastoo ay ku haboonyihiin bulaacaduhu wadamada roobabka badan, kuma darin, hadii aan u isticmaalayno miyaha roobka koranta dhalin anagoo keydinayna. 

Laakin dadka qaar ayaa qashinka kushubaan bulaacadaha iyo meelaha aan gaarka loo lahayn ayagoo u hoogaan samayn sharciga wadanka, saas darteed waaa in ay dowlada dhexe ay sharci adag oo nadaafada hirgalinaya ay meel marisaa, sida qofkii dhibaataynaya nadaafada gaanax lacageed looga qaadi lahaa.Taasna waxaa suura galin kara dad weynaha oo la yiraahdo abaal marin ayaa leedihiin hadaa soo sheegtaan qofka qashinka ku qubaya meel aan munaasab ku ahayn. Maxaa yeelay dadku sharciga ayay ka cabsadaan. Tusaale ahaan, wadamada dunida 2aad inta badan waxay ku dadaalaan nadaafada si ay u hiigsadan wadamada dunida 1aad, sida wadanka Singpore oo hogaamiyahoodii Lee Kuan Yew kudadaalay in uu kadhigo meesha ugu nadiifsan qaarada Aasiya iyo aduunka guud ahaan. Asagoo isticmaalay barnaamijyo guud oo kusaabsan waxbarashada, sharciyo adag iyo ganaaxyo culculus oo lacageed si heer sare wadanku oga gaaro nafaada iyo hormarka. Talo ahaan Mayor ka magaalada Xamar gidoomiye Thabit labo arin ha isticmaalo si ay usuura gasho in magaalada nadaafadeeda ay wanagsanaato. Mid koowad, in dadka loo qabto aqoon-isweydaarsi joogta ah oo kusaabsan sida qashinka loo aruursho. Mid labaad, in manaahijta iskuulada lagu daro maado kusaabsan nadaafada, maxaa yeelay, hadii aanan aqoonta u isticmaalin ishormarinteena magaranayo sababta aan ugu baahanahay waxbarashada. Ardada hadii la baro in ay nadiifiyaan iskuulkooda meelaha kalana nadaafadooda waa ay ku dadaalayaan.

Dadka guud ahaan waa la bari karaa qiimaha nadaafada deegaanka, si lamid ah in la is xushmeeyo, iyo in dadku ogaado sida ugu wanagsan ee nadaafad wanagsan lagu gaari karo, sidoo kale waa in dadku ogaadan ciqaabta ay mudan karaan hadii ay sharciga jabiyaan. Hadii aan hiigsanayno mustaqbal wanagsan waa in aan caruurteena ku dadaalna sidii loo bari lahaa qiimaha sare ee nolasha iyo muhiimada nadaafada mahan in Geography, Taariikh, Xisaab iyo Saynis kaliya la baro.


W/Q: Ahmed Abdi Dirie

Student: The University of Nottingham Malaysia (UNM).

Comments

Popular posts from this blog

Fikrad: Xayiraada Duulimaadyada Kismaayo iyo Madaxweyne Hore Sh Shariif:

Dabkii yaraa dumarkeen looga maarawaa!.