Posts

Showing posts from April, 2018

Dabkii yaraa dumarkeen looga maarawaa!.

Waa dhacdo aa an shaqsiyan cashir ka bartay, baahi badan oo jirtana ii iftiimisay. Digsi iyo dabkii uu saarnaa ayaa yara laga soo daahay oo dab yari kadhashay, Alxamdulilah si fudud ayaa dab damiyaha xaafada ku qiran loogu damiyay.  Laakin 6 rag ah iyo 30 meeyo dumar ah ayaa soo xaadiray dhacdada, qof dumar ah ayaa xanuun qabtay oo dhulka ku dhacday, qof dumar oo caawisa dhibanaha waa iska soo saari waayeen dumarkeena meesha kusoo aruuray. Tusaale ahaan, sida in ay gabadha hawada loo baneeyo, dharka si wanagsan loogu habeeyo iyo in caafimaad ahaan la hubiyo sida xaalkeedu yahay.  Intaas markaan arkay inaa qofna qabanin waxaan gaaray go'aan inaa qabto wixii iiga haboon.  Marka talo ahaan waxaan soo jeedin lahaa in dumarkeena Somaliyeed ee u dhaxeeya 25-45 da’ ahaan in ay helaan xirafado asaasi u ah nolashooda, taasna waxay ku heli karaan in ganacsatada iskuulada aan tayada lahayn kasoo buuxshay wadanka,  ubadalaan iskuulo dadka aan waxbarashada u hel...