Dabkii yaraa dumarkeen looga maarawaa!.



Waa dhacdo aa an shaqsiyan cashir ka bartay, baahi badan oo jirtana ii iftiimisay.

Digsi iyo dabkii uu saarnaa ayaa yara laga soo daahay oo dab yari kadhashay, Alxamdulilah si fudud ayaa dab damiyaha xaafada ku qiran loogu damiyay. 

Laakin 6 rag ah iyo 30 meeyo dumar ah ayaa soo xaadiray dhacdada, qof dumar ah ayaa xanuun qabtay oo dhulka ku dhacday, qof dumar oo caawisa dhibanaha waa iska soo saari waayeen dumarkeena meesha kusoo aruuray. Tusaale ahaan, sida in ay gabadha hawada loo baneeyo, dharka si wanagsan loogu habeeyo iyo in caafimaad ahaan la hubiyo sida xaalkeedu yahay. Intaas markaan arkay inaa qofna qabanin waxaan gaaray go'aan inaa qabto wixii iiga haboon. 

Marka talo ahaan waxaan soo jeedin lahaa in dumarkeena Somaliyeed ee u dhaxeeya 25-45 da’ ahaan in ay helaan xirafado asaasi u ah nolashooda, taasna waxay ku heli karaan in ganacsatada iskuulada aan tayada lahayn kasoo buuxshay wadanka,  ubadalaan iskuulo dadka aan waxbarashada u helin fursada ay u abuuraan xirfado fudud sidii ay oga faaideysan lahaayeen.

Xirfadahaas waxaa kamid noqon kara:
1: Intensive First Aid training. Naf ayaa ku badbaadi kartaa.
2: Communication skills in Somali and English fully. Tani waxa ay sahli doontaa in la isfahmsiiyo waalid badan iyo caruurtooda oo isku wareersan, waalidkuna xoriyad ayuu dareemi lahaa oo in aysan qof kale u baahnayn markii ay rabaan in baahidooda fushtaan.
3: Critical thinking. Si fudud looma qaldi karo hooyada Somaliyeed.
4: Leadership skills: Maxaa yeelay qows wanagsan hooyo ayaa aqoon leh ayuu ka bilowdaa. 
5:Creativity and problem solving skills: Waaba midaan meesha ciladu kajirto maxaa yeelay waxaan sugayaan dad badan in qof kale wax u qabto.


W/Q: Ahmed Dirie, certified First Aider.
Email: Adirie12@gmail.com
Student: UNMC  

Comments

Popular posts from this blog

Fikrad: Xayiraada Duulimaadyada Kismaayo iyo Madaxweyne Hore Sh Shariif:

Nadaafada Magaalada Mogadishu Saan U Wanaajinaa: