Posts

Showing posts from October, 2020

Muhiimada Doorasha Maraykanka u Leedahay Soomaalida

Image
Hadii aad tahay Somali muwaadin American ah waxaa haboon inaa u codeysid  Joe Biden iyo Kamala Harris, kuna dadaashid inuusan soo noqon Trump. Maxaa yeelay Trump waa kii mamnuucay in dad badan oo kasoo jeeda wadamo dhowr ah oo muslimiin ah oo Soomaaalidu kamid tahay imaadan America. Qaxootigii dhamaan uu qaadan jiray Maraykan ayuu joojiyay. Taas waxaa ka daran dadkeena Somaliyeed ayuu maalin kasta aflaagaadeeyaa. Wadankeena ayuu tusaale xun usoo qaataa, hadii runta laga hadlo meel walba waa nagu liiday Trump. Marka waa inaa u codeysiin Biden, danteena guud ayaa kujirta hadii aan nahay Somali meel walba haku noolaadeen.  Waxaa lagayabaa inaa isweydiinaysid waa maxay faa'idada aan ka helayo hadii aan u codeeyo Jeo Biden  waxaa jeclaan lahaa inaa waxbadan kala socotid doodii dhaxmartay  Biden iyo Trump intii lagu jiray olalaha doorshada. Biden waxa uu qorshaynayaa inuu si dag dag ah u maareeyo dhibaada Covid19 ee hareysay wadanka, inuu dib u fasaxo dadkii laga mamnuucay...