Muhiimada Doorasha Maraykanka u Leedahay Soomaalida



Hadii aad tahay Somali muwaadin American ah waxaa haboon inaa u codeysid Joe Biden iyo Kamala Harris, kuna dadaashid inuusan soo noqon Trump. Maxaa yeelay Trump waa kii mamnuucay in dad badan oo kasoo jeeda wadamo dhowr ah oo muslimiin ah oo Soomaaalidu kamid tahay imaadan America. Qaxootigii dhamaan uu qaadan jiray Maraykan ayuu joojiyay. Taas waxaa ka daran dadkeena Somaliyeed ayuu maalin kasta aflaagaadeeyaa. Wadankeena ayuu tusaale xun usoo qaataa, hadii runta laga hadlo meel walba waa nagu liiday Trump. Marka waa inaa u codeysiin Biden, danteena guud ayaa kujirta hadii aan nahay Somali meel walba haku noolaadeen. 

Waxaa lagayabaa inaa isweydiinaysid waa maxay faa'idada aan ka helayo hadii aan u codeeyo Jeo Biden waxaa jeclaan lahaa inaa waxbadan kala socotid doodii dhaxmartay Biden iyo Trump intii lagu jiray olalaha doorshada. Biden waxa uu qorshaynayaa inuu si dag dag ah u maareeyo dhibaada Covid19 ee hareysay wadanka, inuu dib u fasaxo dadkii laga mamnuucay America ee ka imaanayay dalalkii muslimiinta u badnaa dadkooda uu mamnuucay Trump sanadkii 2016. Sidoo kale inuu nidaam wanagsan u helo cunsiriyada dhibta ba'an ku heysa muwaadiniinta laga tirada badanyahay sida dadka madowga ah iyo dadka midabada kale leh guud ahaan iyo dhibaatada Booliska, inuu sii waasiciyo Obama Care oo waxbadan u taraya caafimaadka dadka dhaqaalahoodu hooseeyo.  

Inuu soo noqdo Trump waa ku dhibaato caalamka iyo Somaalida guud ahaan, wadamo badan oo hor leh ayuu dadkooda ka mamnuucii doonaa America. Dad badan ayuu tarxiili doonaa ugu horeeyaan Somalida kunool America sida uu qirtay dhowr jeer oo hore. Covid19 dhibaatadiisa ayaa sii socon doonta maxaa yeelay ma doonayo inuu maareeyo dhibaatadiisa gabi ahaanba, waliba cunsirayada ayaa siyaadi doonta lagu hayo dad badan oo wadanka u dhashay oo Somalidu ugu horeyso. 

Marka badbaadi ummada Somaliyeed iyo gabi ahaanba dadka madow ee kunool America, fursadana haka qasaarin in badan oo jeclaan lahaaa inay imaadaan USA si ay nolashooda wax oga badalaan adoo u cududanaya Joe Biden and Kamala Harris. Waa fursad qaali ah run ahaantii, dadkeena waaa inaa oga faa'idaysaan.


 Mahadsanid

W/Q: Ahmed Dirie 

11/1/2020

Comments

Popular posts from this blog

Fikrad: Xayiraada Duulimaadyada Kismaayo iyo Madaxweyne Hore Sh Shariif:

Nadaafada Magaalada Mogadishu Saan U Wanaajinaa:

Dabkii yaraa dumarkeen looga maarawaa!.