Fikrad: Xayiraada Duulimaadyada Kismaayo iyo Madaxweyne Hore Sh Shariif:

Xayiraada Duulimaadyada:


  • "Shalay galab waa ila tala xumeed, saakayna waa ila cataab badantahay" waa qiso hore oo aan maqli jiray waqtiyo hore, dowlada Fedaralka ee Somalia waan la yaabayay markii ay ku gees waday Ahmed Madoobe nin ay la rabtay jakada madaxweyne ee maamulka Jubbaland intaan ka war hayo, waa talo xumo aan la yaabay. 

  • Waxaa haboonayd in ay sameyso dowladu markii Ahmed Madoobe diiday in madax dowlada Fedaralka kasocota Kismaayo imaadaan inay ka hakiyaan diyaaraha oo ay runta usheegaan, inaysan sidii aan wada aragnay howshu ku haboonayn dowladuna ay tagto goobta doorasha si najiido lagu wada qanacsanyahay iyo tartan xalaal ah ugu yaraan ogasoo baxdo. 

  • Taa hadii ay dhici waysay, waxaa haboonayd in warqad aan la qarin laga jaro maxkamada sare lagusoo xirayo Ahmed Madoobe oo ay ku qeexanyihiin tagri falka awoodeed iyo danbiyada shaqsi ee uu galay, hadii intaas aysan dowladu yeelin karin, mahan in ay ummad Somaliyeed dhowr gobol oo wadankaa dagan laga xayiro inay u safraan si fudud waa ku tagrifal dastuuri ah. Shacabka hadii aan nahay waa inaa cod dheer ugu sheegnaa dowlada anagoo siyaasadeyn guud ahaanba. 

Madaxweyne Hore Shariif:

  • "Meel xun fadhi filfiliq uunbaa gaara" oraah nuucaas ayaa jirta, sidee kuugu soo dhacday mudane Madaxweyne Shiikh Shariif inaa geeyso Kismaayo ama caleema saar  dheh oo aad taagero u muujiso Ahmed Madoobe adoo hugan astaantii aad matalaysay ee Madaxweyne hore ee Somaliyeed.

  • Maxaa yeelay dowlad aan isheyno (Kenya) ayaa ka hambalyaysay guusha doorashada gacan ku samayska ah ee uu Ahmed Madoobe ka gaaray masuq maasuqa ka dhacay Kismaayo, dhinac walba haka imaadee. Waxaa haboonayd inaa dowlada talo wanaagsan ugu deeqdid laakin ma haboonayn inaa mashaqada xayiraada ah aad dhaxda ka istaagto. 

  • Haatan iyo talo waxaa haboonaa lahayd inaa dowlada kala hadashaan maadama aad xisbiyo kala duwan aad hugaamisaan sidii ay muwadiniinta xaquuqdooda aysan ugu tuman dowlada Federalka ah laakin marnaba afkiina yaysan soo marin taagero Kenya iyo Ahmed Madoobe. Waana kasoo horjeedaa in laga xayiro duulimaad madaxweyne hore dhib jira dartiis, shacabkana yaa qof walba maalinkiisa gaariga idinku kacsan. 



Sawirka: Madaxweyne hore Sh. Shariif 

W/Q: Ahmed Dirie
Email: Adirie12@gmail.com

Comments

Post a Comment

Popular posts from this blog

Nadaafada Magaalada Mogadishu Saan U Wanaajinaa:

Dabkii yaraa dumarkeen looga maarawaa!.