Fikrada Aan Ka Qabo Buuqa Hareeyay Canshuurta Wadankeena (Somalia):
Canshuur:
“Taxes are what we pay for civilized society” Oliver Wendell Holmes Jr.
Ganacsatadu waa ku mahadsanyihiin in ay ku dhiiradeen in ganacsi iyo nolol kasuura galiyaan wadanka ayadoo dagaalo sokeeya iyo xaalado adag ka jireen, laakin haatan shacab hadaa nahay waxaa doonayna in wadankeena ay kasuura gasho nolol wanagsan oo kudhisan hormar deegan, mid nolaleed iyo waxqabad muuqda.
Intaas waxaa shacabka wakil oga ah Dowlada Fedaralka ah iyo maamulkii deegaankas kajira. Haseyeeshee, dowladu siyaabo kala duwan ayay ay hormar kusameyn kartaa:
1: in ay lacag soo daabacdo kana hirgaliso suuqa isticmaalkeeda, taasna tabarta dowladeed aan haysano ma gaarin wali.
2: in ay canshuur ka qaado ganacsatada, kuna hirgaliso hormarka shacabku u wakiisheen. Maxa yeelay, shaqsiyaadka la wakiishay ee madaxda ah lacagtooda wax ku qabta lama dhihin. Dowlada haloo ogalado in ay canshuurta qaado, la xisaabtan dhab ahna halagu sameeyo meesha wax mareen.
3: In ay dowladu soo deynsato lacago shisheeya, taas oo wadanka lagula maamuli karo oo aadan iska lahaanayn go’aanka aad rabto, sida hormarinta dhismaha wadanka, waxbarashada, ciidanka iyo adeegyada caafimaadka.
4: Hadii uu jiro ganacsade Somali ah oo aan diyaar u ahayn inuu bixiyo canshuurta wadanka ee dowladu kusoo rogtay ganacsigiisa ha iska xirnaado, culeys ayuu ahaan lahaa, mid ka wanagsan oo wadankiisa jacel ayaa badali doona, (Ninka jiifow toos shaqee canshuurtana bixi)!.
W.Q: Ahmed Dirie.
Email: Adirie12@gmail.com
Arday: The University of Nottingham Malaysia Campus.
Comments
Post a Comment