Hadii aad tahay Somali muwaadin American ah waxaa haboon inaa u codeysid Joe Biden iyo Kamala Harris, kuna dadaashid inuusan soo noqon Trump. Maxaa yeelay Trump waa kii mamnuucay in dad badan oo kasoo jeeda wadamo dhowr ah oo muslimiin ah oo Soomaaalidu kamid tahay imaadan America. Qaxootigii dhamaan uu qaadan jiray Maraykan ayuu joojiyay. Taas waxaa ka daran dadkeena Somaliyeed ayuu maalin kasta aflaagaadeeyaa. Wadankeena ayuu tusaale xun usoo qaataa, hadii runta laga hadlo meel walba waa nagu liiday Trump. Marka waa inaa u codeysiin Biden, danteena guud ayaa kujirta hadii aan nahay Somali meel walba haku noolaadeen. Waxaa lagayabaa inaa isweydiinaysid waa maxay faa'idada aan ka helayo hadii aan u codeeyo Jeo Biden waxaa jeclaan lahaa inaa waxbadan kala socotid doodii dhaxmartay Biden iyo Trump intii lagu jiray olalaha doorshada. Biden waxa uu qorshaynayaa inuu si dag dag ah u maareeyo dhibaada Covid19 ee hareysay wadanka, inuu dib u fasaxo dadkii laga mamnuucay...
Posts
Fikrada Aan Ka Qabo Buuqa Hareeyay Canshuurta Wadankeena (Somalia):
Fikrad: Xayiraada Duulimaadyada Kismaayo iyo Madaxweyne Hore Sh Shariif:
- Get link
- X
- Other Apps
Xayiraada Duulimaadyada: "Shalay galab waa il a tala xumeed, saakayna waa ila cataab badantahay" waa qiso hore oo aan maqli jiray waqtiyo hore, dowlada Fedaralka ee Somalia waan la yaabayay markii ay ku gees waday Ahmed Madoobe nin ay la rabtay jakada madaxweyne ee maamulka Jubbaland intaan ka war hayo, waa talo xumo aan la yaabay. Waxaa haboonayd in ay sameyso dowladu markii Ahmed Madoobe diiday in madax dowlada Fedaralka kasocota Kismaayo imaadaan inay ka hakiyaan diyaaraha oo ay runta usheegaan, inaysan sidii aan wada aragnay howshu ku haboonayn dowladuna ay tagto goobta doorasha si najiido lagu wada qanacsanyahay iyo tartan xalaal ah ugu yaraan ogasoo baxdo. Taa hadii ay dhici waysay, waxaa haboonayd in warqad aan la qarin laga jaro maxkamada sare lagusoo xirayo Ahmed Madoobe oo ay ku qeexanyihiin tagri falka awoodeed iyo danbiyada shaqsi ee uu galay, hadii intaas aysan dowladu yeelin karin, mahan in ay ummad Somaliyeed dhowr gobol oo wadankaa dagan ...
Dabkii yaraa dumarkeen looga maarawaa!.
- Get link
- X
- Other Apps
Waa dhacdo aa an shaqsiyan cashir ka bartay, baahi badan oo jirtana ii iftiimisay. Digsi iyo dabkii uu saarnaa ayaa yara laga soo daahay oo dab yari kadhashay, Alxamdulilah si fudud ayaa dab damiyaha xaafada ku qiran loogu damiyay. Laakin 6 rag ah iyo 30 meeyo dumar ah ayaa soo xaadiray dhacdada, qof dumar ah ayaa xanuun qabtay oo dhulka ku dhacday, qof dumar oo caawisa dhibanaha waa iska soo saari waayeen dumarkeena meesha kusoo aruuray. Tusaale ahaan, sida in ay gabadha hawada loo baneeyo, dharka si wanagsan loogu habeeyo iyo in caafimaad ahaan la hubiyo sida xaalkeedu yahay. Intaas markaan arkay inaa qofna qabanin waxaan gaaray go'aan inaa qabto wixii iiga haboon. Marka talo ahaan waxaan soo jeedin lahaa in dumarkeena Somaliyeed ee u dhaxeeya 25-45 da’ ahaan in ay helaan xirafado asaasi u ah nolashooda, taasna waxay ku heli karaan in ganacsatada iskuulada aan tayada lahayn kasoo buuxshay wadanka, ubadalaan iskuulo dadka aan waxbarashada u hel...
Fikrada Aan Ka Qabo Buuqa Hareeyay Canshuurta Wadankeena (Somalia):
- Get link
- X
- Other Apps
Canshuur: “Taxes are what we pay for civilized society” Oliver Wendell Holmes Jr. Ganacsatadu waa ku mahadsanyihiin in ay ku dhiiradeen in ganacsi iyo nolol kasuura galiyaan wadanka ayadoo dagaalo sokeeya iyo xaalado adag ka jireen, laakin haatan shacab hadaa nahay waxaa doonayna in wadankeena ay kasuura gasho nolol wanagsan oo kudhisan hormar deegan, mid nolaleed iyo waxqabad muuqda. Intaas waxaa shacabka wakil oga ah Dowlada Fedaralka ah iyo maamulkii deegaankas kajira. Haseyeeshee, dowladu siyaabo kala duwan ayay ay hormar kusameyn kartaa: 1: in ay lacag soo daabacdo kana hirgaliso suuqa isticmaalkeeda, taasna tabarta dowladeed aan haysano ma gaarin wali. 2: in ay canshuur ka qaado ganacsatada, kuna hirgaliso hormarka shacabku u wakiisheen. Maxa yeelay, shaqsiyaadka la wakiishay ee madaxda ah lacagtooda wax ku qabta lama dhihin. Dowlada haloo ogalado in ay canshuurta qaado, la xisaabtan dhab ahna halagu sameeyo meesha wax mareen. 3: In ay dowladu so...
Nadaafada Magaalada Mogadishu Saan U Wanaajinaa:
- Get link
- X
- Other Apps
Bulsho iyo meesha ay kunooshahay hormarkeeda marka la eegayo waxaa si wanagsan loo fiirshaa muuqaalka deegaankooda, marka waxaan door biday in aan lawadaago umada Soomaaliyeed inta aan ka fahamsanahay qaabka dad badani u nadiifiyeen magaalooyinkooda, nadaafadu amni gooniya kuma xirna ee bulshada iyo maamulka meesha kajira oo isla shaqeeya, qofkastana kasoo baxo doorka uu bulshada oga jiro, asagoo fulinayay (Nadaafadu waa iimaanka barkeed) xadiiskii ahaa. Dowlada hoose masuuliyad ayaa kasaaran in ay caasimada iyo magaalooyinka kale ay nadaafad wanagsan ka muuqato, ayagoo isticmaalaya maamul wanagsan oo shaqaalaha wanaajiya si ay meelaha dadwanayaha kadhaxaysa unadiifin lahayeen sida wadooyinka, meelaha gawaarida ladhigto iyo naafada guud ahaan. Dowlada hoose waa in bil kasta ka qaado lacag guri walba si ay u hirgaliso howsha nadaafada, qofkastana u dareema muhiimada ay leedahay nadaafada. Qaasataan dowlada dhexe masuul ayaa kasaaran in ay ka qaado qashinka xaafadaha iyo wadooyinka,...